Waxaa bilaabmay madasha wada tashiga madaxda iyo komishaneerada xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 28/2016T.I.(ENA): Shirka 28-aad ee hogaaminta Xuduudaha ee Itoobiya iyo Jabuuti oo ay martigelinayso Itoobiya ayaa saaka furmay.


 

Waxaa la sheegay in madashan oo ujeedadeedu tahay sidii looga wada tashan lahaa arrimaha ganacsiga, amniga iyo xuduudaha, iyadoo muddo labo maalmood ah uu ka socon doono magaalada Bishoftu.


 

Waxaa la sheegay in madashan ay wax weyn ka tari doonto xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Jabuuti iyo weliba xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.


 

Madashan ayaa sii xoojin doonto xiriirka ka dhexeeya dalalka iyadoo sidoo kalena dejin doonta jihooyinka mustaqbalka. Waxaana madasha ku sugnaa madax sare oo ka tirsan labada dal.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015