"Beeralayda yaryar waa in la taageero si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada ee mustaqbalka fog." – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 28/2016T.I.(ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa khudbad uu ka jeediyay maalintii saddexaad ee shirka “Duni xor ka ah gaaajada” ku sheegay in beeralayda yar yar la taageero si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada ee mustaqbalka fog.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay hirgalisay dib u habayn dhanka beeraha ah si loo kordhiyo wax soo saarka iyadoo la tacaalaysa isbadalka cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Itoobiya ay si baaxad leh uga shaqeyneyso wax soo saarka dalagyada ee u adkaysan kara abaarta si loo sugo sugnaanta cuntada.


 

Dalka Itoobiya waxaa si baaxad leh looga wadaa hawsha taakulaynta beeralayda yar yaa ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu. Waxa uu xusay in laga shaqeynayo sidii loo kordhin lahaa wax soo saarka iyadoo tababaro iyo taageero dhaqaale oo gaar ah loo siinayo haweenka beeraleyda ah.

Wuxuu xusay in dadaalka beeralayda yar yar uu muhiim u yahay dadaalka loogu jiro abuuritaanka adduun ka caagan gaajada, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay ku dadaalayso sidii loo sugi lahaa sugnaanta cunntada iyadoo dejinaysa siyaasad qaran.

Waxa uu xusay in la sugi karo sugnaanta cunntada, iyadoo la dhisayo dhaqaale aan la kulmin isbedelka cimilada, abaaro iyo dhibaatooyin kale.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015