Itoobiya waxa ay wadaa dib u habayn dhaqaale oo ku wajahan kobaca dhaqaale – Kasahun Gofe (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxa ay wadaa dib u habayn dhaqaale oo ku wajahan kobaca dhaqaale – Kasahun Gofe (Dr.)
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 30/2016T.I.(ENA): Wasiirka ganacsiga iyo xiriirka gobolka Kasahun Gofe (Dr.) ayaa sheegay in Itoobiya ay sameyneyso isbedello dhaqaale oo lagu doonayo in lagu kobciyo dhaqalaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dib u habeyntu ay dhiirigelin doonto maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isbeddelka casriga ah iyo ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Shirweynaha 15-aad ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Wasiirada Ganacsiga ayaa ka socda hoolka Midowga Afrika.
Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in shirkan uu gacan ka geysan doono in la tilmaamo jihooyinka lagaga dhabayn karo qorshaha guud, xalinta mashaakilaadka, lagana taliyo arrimaha muhiimka ah.
Xogta laga helayo wasaaradda ayaa tilmaamaysa in Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu fursad ballaaran u abuuri doono geeddi-socodka dhismaha warshadaynta iyadoo la fududeynayo ganacsiga u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah.