Wasiirka arrimaha dibadda, Itoobiya Dr. Gadhiyoon Timootiyoos ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Ruushka - ENA Af-Soomaali
Wasiirka arrimaha dibadda, Itoobiya Dr. Gadhiyoon Timootiyoos ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Ruushka
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 30/2016T.I.(ENA): Dr. Gadhiyoon Timootiyoos, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa wadahadallo miro dhal ah la yeeshay Sergey Lafrof, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka.
Waxay is dhaafsadeen fikrado badan oo ku saabsan arrimo badan oo laba geesood ah, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha labada dhinac khuseeya.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in kor loo qaado iskaashiga laba geesoodka ah, lagana faa’ideysto awoodda aan laga faa’ideysan ee xiriirkooda dhaqaale.
Kulankan ayaa dhacay ka hor shirkii ugu horeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo la qorsheeyay in la qabto 09-10 November 2024 kaasoo ka dhacaya magaalada Soji ee dalka Ruushka.