Waxaa la sheegay in xuska 19-aad ee maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya si weyn looga wada qayb qaadan doono - ENA Af-Soomaali
Waxaa la sheegay in xuska 19-aad ee maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya si weyn looga wada qayb qaadan doono
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 03/2017T.I.(ENA): Waxaa la shaaciyay in xuska 19-aad ee maalinta Qowmiyadaha iyo shucuubta Itoobiya looga wada qayb qaadan doono iyadoo si weyn ay uga qayb qaadanayaan heer dal, deegaan iyo maamul magaalo ayna si wanaagsan uga wadaqaynqaadan doonaan dhamaan bulshada.
Warbixin ay soo saartay golaha federationka oo ku saabsan munaasabadan ayaa waxa ay ku shaaciyeen in munaasabada lagu qaban doono magaalada Arbaaminj ee deegaanka koonfurta Itoobiya iyadoo la xusi doono muddo shan maalmood oo xidhiidh ah.
Waxaa la sheegay in 25-ka Gudba 2017-ka la xusi doono maalinta Walaalyinimada, 26-ka Gudba, Maalinta Wadajirka, 27-ka Gudba, Maalinta Koonfurta Itoobiya, 28-ka Gudba, Maalinta Wada-tashiga, iyo 29-ka Gudba, 2017-ka oo la xusi doono Maalinta Itoobiya.
Marwo Baanjiyirga oo ah xiriiriyaha guud ee munaasabada ayaa sheegtay in ujeedada ugu weyn ee xuskan ay tahay sidii midnimada qaranka loo xoojin lahaa, iyadoo xuskani ay meesha ka saarayso kala duwanaanshiyaha korna loogu qaadi lahaa horumarka iyo wadajitka guud.
Xuska 19-aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta dalka ayaa halku dhig looga dhigay “Isfahan qaran iyo Midnimo Qaran”.