Waxaa laga shaqaynayaa sidii loiga faa’iidaysan lahaa fursadaha caalamiga ah, marka laga soo tago fursadaha shaqo abuur iyo nalaadhinteeda ee gudaha dalka - ENA Af-Soomaali
Waxaa laga shaqaynayaa sidii loiga faa’iidaysan lahaa fursadaha caalamiga ah, marka laga soo tago fursadaha shaqo abuur iyo nalaadhinteeda ee gudaha dalka
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 03/2017T.I.(ENA): Waxaa lagu dhawaaqay in diiradda la saari doono ka faa'iidaysiga fursadaha suuqa shaqa abuurka caalamiga ah si loo ballaariyo oo loo casriyeeyo shaqa abuurka gudaha.
Waxaa la qiimeeyey waxqabadka iyo jihooyinka mustaqbalka ee bandhigga shaqo qaran ee 5aad.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adaha kala ah Dereja.com iyo Ethio Jobs iyadoo ay hogaaminaysay kulanka wasiirka shaqada iyo xirfadaha, Mufarixaat Kaamil, Wasiiru dowlaha wasaaradda ee waaxda shaqada iyo suuqa Solomon Soka.
Sidoo kale waxaa la tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo shaqada isku xirka dadka shaqo doonka ah iyo loo shaqeeyaha si kor loogu qaado shaqada iyo natiijada hay'adaha.
Kulanka, waxaa si faahfaahsan loogu soo bandhigay arrimaha xoojin kara nidaamka shaqo abuurka.
Haddaba, waxaa la tilmaamayaa in la sii xoojin doono shaqada isku xirka dadka shaqo doonka ah ee xoojin kara tayada shaqo eehay’adaha iyo hay’adaha loo shaqeeyaha ah.
Waxa kale oo la sheegay in marka laga reebo balaadhinta iyo casriyaynta shaqada gudaha, sidoo kale laga shaqayn doono sidii si buuxda looga faa’iidaysan lahaa fursadaha dhinacyada kala duwan ee ay ka mid tahay shaqooyinka dibadda ee heer caalami.
Xogta laga helayo Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha ayaa sheegeysa in dadaalladan lagu doonayo in ganacsiga gaarka loo leeyahay ay kaalintooda ka qaataan, xalinta caqabadaha iyo abuurista xaalado wanaagsan oo ay muwaadiniintu uga faa’ideysan karaan fursado shaqo abuur oo tayo leh la iskuna halayn karo.