Mashruuca tamarta dabaysha ee Aysha 3 ayaa gaaray 83.8 boqolkiiba

Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 03/2017T.I.(ENA): Shirkadda Quwada Korontada Itoobiya ayaa shaacisay in mashruuca dhismaha tamarta dabaysha ee Aysha 3 uu gaaray 83.8 boqolkiiba.

Mashruucan oo loo qorsheeyay in uu yeesho awoodda dhalinta tamarta dabaysha ee 120 megawatt ayaa hadda gaaray 83.8 boqolkiiba, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Isgaarsiinta Shirkadda , Mudane Moogas Makonnan.

Wuxuu intaas ku daray in dhismaha mashruucan uu ku socdo heerar kala duwan, iyadoo ay hadda 80 megawatt oo ka mid ah tamarta laga soo saarayo mashruuca loo gudbinayo kaydka quwada korontada ee qaranka.

Waxa uu sidoo kale xusay in shaqooyinka lagu rakibayo turbines-ka soo saaraya tamarta haray ee 40 megawattka ah ay si kala duwan u socdaan shaqadeedu, sida ay sheegtay shirkadda quwada korontada Itoobiya.

Dib u dhaca ku yimid shaqooyinka rakibista turbines-ka ayaa sabab u ah dhibaatooyin dhanka maaliyadda ah, balse shirkaddu waxay go'aansatay inay mashruuca ku dhamaystirto dadaalkeeda iyadoon cidna sugin, waxaana haatan lagu guda jiraa hawsha shaqadaas.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015