Madaxweyne Taaye Asqasilaase ayaa daah-furay bandhig lagu soo bandhigayo dadaallada Itoobiya ee ilaalinta deegaanka

Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 03/2017T.I.(ENA): Madaxweyne Taaye ayaa ka daahfuray magaalada Baku ee dalka Aserbayjaan bandhig ku saabsan dadaallada Itoobiya ee ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka isbeddelka cimilada, iyadoo muujinaysa waxyaabaha dalku uu ka qabtay arrimaha ilaalinta deegaanka.


 

Bandhigan ayaa ka tarjumaya dadaalka Itoobiya ay ugu jirto ka hortagga isbeddelka cimilada iyadoo adeegsaneysa barnaamijka horumarinta deegaanka ee dhirbeerista ee raadka cagaaran iyo mashruucyo kale oo lagu ilaalinayo deegaanka.


 

Shirka 29-aad ee Cimilada Adduunka ayaa ka bilowday magaalada Baku, Aserbayjaan.


 

Madaxweyne Taye ayaa sheegay in Itoobiya ay ka shaqeyneyso dhisidda dhaqaale cagaaran oo u adkeysan kara isbeddelka cimilada iyadoo hirgelinaysa mashruucyo waaweyn.


 

Madaxweynuhu wuxuu kaloo xusay in aduunku ay tahay inay si gaar ah diiradda u saaraan wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo in la taageero dalalka soo koraya.


 

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta, Itoobiya Dr. Fitsum Asafaa, ayaa dhankeeda tiri “Itoobiya waxay hormuud ku tahay quwada dib loo cusboonaysiin karo, damaanad qaadka cuntada, iyo horumarinta dalxiiska iyadoo dadaal ugu jirta ilaalinta deegaanka.”


 

Itoobiya ayaa ku bixisay in ka badan 40 bilyan oo doollar dadaallada cagaaran si ay u soo celiso dhulka xaalufay ee dalka.


 

Inta lagu guda jiro shirka 29-aad ee Cimilada Adduunka, dalalka ayaa soo bandhigi doona dadaallada ay ugu jiraan la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo ka hortagga xaalufinta deegaanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015