Bangiga Dhexe ee Itoobiya ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono hay'adaha isku dayaya in ay sameeyaan dib-u-habeynta aan sharciga waafaqsanayn ee nidaamka maaraynta lacagaha qalaad

Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 05/2017T.I.(ENA): Dawladda ayaa ku hawlan inay dardargeliso siyaasadda iyo nidaamka si sharciga looga dhigo nidaamka maaraynta lacagaha qalaad.

Guddoomiyaha Bangiga Qaran ee Itoobiya, Maamo Mhiratu, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono hay'adaha isku dayaya inay ku shaqeeyaan nidaam ka baxsan sharciga.

Itoobiya ayaa soo martay waqtiyo adag oo lacagaha qalaad ah, taasi oo si weyn u saameysay dhaqaalaha dalka. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in siyaasadda bangiga wax ka beddeshay nidaamyadii khaldanaa ee hore uga jiray maaraynta lacagaha qalaad.

Bangiyadu waa in ay u adeegaan hay'adaha u baahan lacagaha qalaad iyaga oo raacaya nidaamka sharciga ah. Laakiin qaar ka mid ah ayaa ku hawlan ku shaqaynta nidaam iyo siyaasad dhaqaale oo aan caafimaad qabin, taas oo Bangigu si weyn ula socdo.

Dawladda ayaa qaadaysa tallaabooyin dib-u-habeyn ah oo badan si ay nidaamka lacagaha qalaad u noqoto mid sharciga waafaqsan oo waara, iyadoo sidoo kale dejisay siyaasado wax ka beddelaya dhaqaalaha guud ee dalka si loo xalliyo mushkiladda lacagaha qalaad.

Waxaa la sheegay in dadka u baahan lacagaha qalaad ay hadda si sahlan ugu heli karaan xafiisyada lacagaha qalaad ee haysta shatiga saxda ah. Hay’adaha xawaaladaha ayaa sidoo kale la siiyay fursad ay kaga qayb qaadanayaan adeegyada lacagaha qalaad si sharciga waafaqsan.

Dawladda ayaa sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto hay'adaha aan sharciga raacin ee isku daya inay dhibaato ku noqdaan nidaamka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka. Waxaa la xusuustay in farqi weyn u dhaxeeyey qiimaha lacagaha qalaad ee suuqa rasmiga ah iyo kan suuqa madow, taas oo ahayd in ka badan 97%, balse hadda ay hoos ugu dhacday in ka yar 10%.

Waxaa la sheegay in bangiyada iyo xafiisyada lacagaha qalaad haddii ay si sharciga waafaqsan u shaqeeyaan, ay ka hortagi doonaan dad badan oo lacagaha qalaad u tagaya suuqa madow.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015