Ethio Telecom ayaa hirgelisay nidaamka cusub ee "Smart Parking" oo laga hirgaliyay magaalada Sheger

Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 05/2017T.I.(ENA): Ethio Telecom ayaa bilowday nidaamka ugu horreeya ee goobta baabuurta la dhigto ee casriga ah ee "Smart Parking" ee Itoobiya, oo laga hirgeliyay degmada Melka Nono ee magaalada Sheger.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qeybgalay Maareeyaha Guud ee Ethio Telecom, Frehiwot Tamiru, iyo Duqa magaalada Sheger, Dr. Tashoome Adunya.


 

Nidaamkan wuxuu u sahlayaa darawalada inay isticmaalaan taleefannadooda si ay u helaan goobta baabuurta la dhigto, ayna dhigtaan baabuurtooda, iyagoo si toos ah u bixinaya lacagta goobta, iyagoo adeegsanaya adeega Telebirr Super App.

Frehiwot Tamiru ayaa sheegtay in Ethio Telecom ay diiradda saarayso in ay kaalin weyn ka qaadato horumarinta dalka ee dhinaca tiknoolajiyadda si ay Itoobiya u noqoto mid casri ah.

Duqa Maamulka Magaalada Sheger, Dr. Teshome Adunya, ayaa tilmaamay in nidaamka cusub ee "Smart Parking" uu kaalin weyn ka ciyaari doono fududeynta isu socodka gaadiidka, yareynta ciriiriga, iyo kor u qaadida dakhliga magaalada. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in nidaamkani uu fursado shaqo u abuurayo ku dhowaad 250 qof.

Ethio Telecom waxay qorsheyneysaa in adeeggan loo fidiyo meelo kale oo ka tirsan dalka, si loo dhiirrigeliyo isku xirka adeegyada casriga ah ee bulshooyinka iyo magaalooyinka, iyadoo qayb weyn ka qaadaneysa qorshaha horumarinta Itoobiya ee dhinaca tiknoolajiyada casriga ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015