Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Itoobiya oo booqatay Xarunta Taliska Guud ee Waqooyi Bari

Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 11/2017T.I.(ENA): Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ee waaxda Maaliyadda, Marwo Maarta Luwiji, ayaa booqatay xarunta Taliska Guud ee Waqooyi Bari, iyadoo sheegtay in dayactirka  xafiisyada ku yaalla xarunta iyo isbitaalka xarunta loo hirgaliyay si wanaagsan.

Waxay tilmaantay in mashaariicda kale ee u baahan miisaaniyadda lakala qaadi doono loona qorsheyn doono si loo dhamaystiro horumarinta saldhiggyada ciidanka ayna u bixiyaan adeegyada dhamayskatiran ee loogu talagalay ciidanka.


 

Taliyaha Guud ee Taliska Waqooyi Bari, Jenaraal AsafaJokole, ayaa dhankiisa sheegay in horumarinta xarunta oo la dhamaystiro ay door weyn ka qaadatay qorshaha iyo  shaqada xafiiska wasiirka iyo wasaarada.

Waxa uu sidoo kale boorriyay dhammaan qaybaha gaarka ah ee talisyada gaashaandhigga inay sii xoojiyaan iskaashiga joogtada ah si ay si wadajir ah ugu qabtaan howlaha lagama maarmaanka ah ee lagu taageerayo taliska.

Xarunta waxaa ka muuqda dhismayaal iyo guryo horay loo dhamaystiray, kuwaas oo xallin doono dhubaatooyinka jira, halka dhismayaasha harsan loo qorsheeyay in lagu dhamaystiro waqti dhow iyadoo ay hogaaminayaan injineerada gaashaandhigga.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015