Mashaaricda horumarineed ee laga fuliyey Ismaamulka ka sakow in bahida bulshada wax lagaga qabtay waxay dhlinyarada u abuurtay fursado shaqo abuur oo kala duwan

Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 11/2017T.I.(ENA): Duqa Ismaamulka Diri Dhaba mudane Khadir Juhaar oo hogaaminaya shaqaalaha dawlad ee xubnaha ka ah xisbiga Barwaaqo ayaa boqosho ku tagay mashaaricaha horumarineed ee ka qabsomay Ismaamulka Diri Dhaba.




Goobaha ay boqden waxa ka mid ahaa garoonka kubada cagta ee Diri Dhaba, xarunta Bpoliska, warshada Aqua Uno iyo shirkada ku hawlan rakibaada gawaadhida ee AM Motors.




Booqashada ayaa waxa ay ka bilaaben garoonka kubada cagta ee Diri Dhaba oo lacag badani ay ku baxday, dib u cusbonaysintiisa lagana dhigay mid caalami ah.




Komishinka Booliska Diri Dhaba ayay booqdee, halkaasi oo uu Alamu Marga, Komishineerka Komishinka Booliska oo sharaxaad siiyay shaqaalaha iyo xubnaha xisbiga ayaa sheegay in Booliska isbedel lagu sameyey dhanka dhismaha, la dhaqanka bulshada iyo isticmaalka aaladaha casriga ah.




Ugu dambeyntii, mudane Roobel Getaajaw, Madaxa Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqada ee Ismaamulka Diri Dhaba ayaa sheegay in Xisbiga Barwaqo aas-aaskiisa ka dib shaqooyin badan uu ka qabtay dalka iyo ismamulka Dirdhabe.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015