Waxaa magaalada Addis Ababa ka furmay shirkii labaad ee guddiga diyaar garowga jawaabaha degdegga ah ee caafimaadka waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika - ENA Af-Soomaali
Waxaa magaalada Addis Ababa ka furmay shirkii labaad ee guddiga diyaar garowga jawaabaha degdegga ah ee caafimaadka waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 11/2017T.I.(ENA): Shirkan waxaa furay Wasiirka Caafimaadka, Itoobiya Dr. Maqdhas Dhaaba iyadoo tilmaantay muhiimadda iskaashiga iyo qorsheynta si wax looga qabto xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.
Dr. Maqdhas ayaa carrabka ku adkeysay in xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka loo baahan yahay in laga hortago iyadoo la adeegsanayo jawaabo wadajir ah oo la qorsheeyey. Waxay sidoo kale tilmaantay in loo baahan yahay iskaashi balaadhan si xal waara loo helo.
Waxay sidoo kale ku nuux nuuxsatay muhiimadda ah in la dhiso nidaam caafimaad oo adag oo ka jawaabi kara baahiyaha degdegga ah. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo qorsheynta mustaqbalka ee ka hortagga musiibooyinka caafimaadka.
Ujeedka shirkan ayaa ah in kor loo qaado awoodda wax soo saarka dawooyinka gudaha, in la hagaajiyo nidaamka caafimaadka, iyo in laga shaqeeyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha caafimaadka iyo adeegyada daawooyinka.
Shirkii ugu horreeyey ee guddiga oo lagu qabtay Nairobi bishii May 2024, ayaa lagu go’aamiyey in la xoojiyo iskaashiga iyo awoodda diyaar garowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.
Guddoomiyaha ECSA, Sibusiso Sibandise, ayaa sheegay in shirkan labaad uu yahay fursad lagu qiimeynayo horumarka iyo shaqooyinka, laguna ogaado caqabadaha muhiimka ah ee jira, isla markaana waddamadu ay khibradahooda ka isdhaafsadaan.
IGAD oo shirkan ay ku matalaysay Fatiha Alwal ayaa sheegtay in la dardargelinayo baaritaanka, xog uruurinta, iyo horumarinta nidaamyada caafimaadka ee casriga ah si looga shaqeeyo danta guud ee waddamada gobolka.
Madaxa caafimaadka dadweynaha ee Bangiga Adduunka, Dr. Raamish Gofindaraaj, ayaa ku booriyey waddamada inay taageeraan barnaamijkan. Waxa uu sheegay in ilaa hadda 42 milyan oo doollar loo qoondeeyey taageerada waddamada.
Shirkan oo socon doona saddex maalmood waxaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta waxqabadka iyo qorsheynta jawaabaha caafimaadka ee xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in la booqdo xarumaha caafimaadka iyo warshadaha dawooyinka ee Kilinto ee dalka.