Hub ka dhigista maleeshiyaadkii hore iyo kusoo xaraynta xarumaha ayaa la bilaabayaa - ENA Af-Soomaali
Hub ka dhigista maleeshiyaadkii hore iyo kusoo xaraynta xarumaha ayaa la bilaabayaa
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 11/2017T.I.(ENA): Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in hawlaha lagu xallinayo dhibaatooyinkii jiray iyo sidii bulshada loogu soo celin lahaa maleeshiyaadkii horw ee hubaysnaa ay bilaabi doonto toddobaadkan.
Waxaa qorshuhu yahay in la xoojiyo nidaamka dhaqancelinta waarta iyo in maleeshiyaadkii hore lagu soi celiyo bulshada dhexdeeda si nabad ah, iyadoo ururada dowladda iyo kuwa rayidka ah ay si wadajir ah u hirgelin doonaan hawshan.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in 371,971 maleeshiyaad hore ah ay dib ugu noqon doonaan nolashoodii caadiga ahayd ee bulshada dhexdeeda, iyadoo qorshuhu yahay in la hubiyo in dhaqancelintan ay noqoto mid waarta.
Komishinka Dhaqabcelinta Qaranka ayaa sheegay in shaqadan ay bilaabi doonaan iyadoo markii hore loo qorsheeyay in si gaar ah looga dhaqan galiyo deegaanka Tigraay, iyada oo 75,000 oo maleeshiyaad hore ah la dhaqancelin doono.
Komishinka ayaa sheegay in qorshahan uu ka qaybqaadan doono kor u qaadista siyaasada nabadda, dimuqraadiyadda, iyo horumarka ee dalka.
Komishineer Tamasgan Tilaahun oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la filayo in la hirgeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo in maleeshiyaadka hore si sax ah loo soo celiyo oo la dhaqanceliyo si ay bulshada rayidka ah ugu biiraan.
Waxa uu xusay in shaqadan ay muhiimad gaar ah siineyso taageerada shacabka iyo iskaashiga kala duwan ee ururada bulshada iyo hay’adaha dowladda. Iskaashigan ayaa la saadaalinayaa ayuu yidhi in uu ka caawin doono Itoobiya inay si dhaqso leh uga gudubto dhibaatooyinka dhaqaalaha isla markaana ay u gaarto barnaamijyadeeda horumarineed ee waara.
Waxaa la og yahay in dowladdu ay si ka go’naansho leh uga shaqeyneyso sidii ay hub ka dhigis ugu sameyn lahaayd kooxaha ka soo horjeeda ee ku sugan deegaannada kala duwan, isla markaana ay qaataan tababaro dhaqan celin ah si ay bulshada uga mid noqdaan.
Ugu dambayntii, waxa uu sheegay 1 bilyan oo Birr oo ay dawladdu u qoondaysay, 60 milyan oo dollarna ay ka heleen hay’adaha la shaqeeya, ay wejiga koowaad bilaabayaan hawsha hub ka dhigista 75 kun oo ka mid ah maleeshiyadkii hore ee deegaanka Tigraay.