"Xisbiga Barwaaqo wuxuu sii xoojin doona shaqada uu bilaabay si uu u Xaqiijiyo danta shacabka isagoo ka dhabeynaya Balantii uu Qaaday"-- Mudane Aadan Faarax

Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Mudane Aadan Faarax, Madaxwayne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Dalka ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu yahay mid si ficil ahaan ah u fuliya balanta uu qaado uuna sii wadi doono hawlihii uu bilaabay ee ahaa in la xaqiijiyo faa’iidada ​​shacabka.

Madashii Qiimaynta Warbixinta Waxqabadka Rubacii 1-aad ee SM 2017-da T.I ee Xisbiga Barwaaqo ee dhamaan Deegaannada iyo Labada Maamul Magaalo ee dalka ayaa la soo gabagabeeyey.



 
Madashan oo uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xafiiska  Xisbiga ee Dalka ahna Madac Xarunta Iskudubaridka Nidaamka Dimuqraadiyada Lehna Awood Ra'iisul Wasaare Kuxigeen ee dalka Mudane Aadan Faarax iyo dhamaan Masuuliyiinta Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanada iyo Labada Maamul Magaalo ee dalka ayaa waxaa lagu Qiimeeyay Waxqabadkii Xisbi ahaan loo qabtay saddexdii bilood ee u dambeeyay, Sidoo kalena lagu dajiyay Qorshaha iyo jihada Xiga.

Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in la qabtay shaqo lagu diiwaan galiyay natiijooyin wanaagsan oo ka soo baxday hawlihii u qorshaysnaa Rubacii 1-aad.


 

Waxa kale oo uu xusay in hawlihii dhidibada u aasayay himilada dhisitaanka xisbi adag la qabtay intii lagu jiray geedi-socodka hirgelinta.

Waxa sidoo kale la xusay in dal ahaan ay u suurtagashay in ay ka midho dhaliyaan dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada iyadoo la sameeyay dhaqdhaqaaqyo wax ku ool ah oo Bulshada ah. 


 

Sidoo kale waxa uu xusay in shaqo wax ku ool ah laga qabtay dhinaca nabada iyo amniga oo uu sheegay in waayo aragnimo wanaagsan laga qaatay in si deg deg ah wax loo qabto.

Mudane Aadan waxa uu sheegay in tababaro wax ku ool ah la siiyay oo ah tayaynta hoggaaminta iyo xubnaha Xisbiga.


 

Waxa uu sheegay in madashan Qiimayntu ay abuurtay fursad la isku barto oo la iskugu soo dhaweeyo waxqabadyada Deegaanada.
 
Ugu danbayn Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in Qiimayntii saddexda bilood ee xaisbigu ay ku soo dhamaatay si guul ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015