104 Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo Jabuuti xaalado adag ku sugnaa ayaa lagu soo celiyay dalkooda - ENA Af-Soomaali
104 Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo Jabuuti xaalado adag ku sugnaa ayaa lagu soo celiyay dalkooda
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Safaaradda Itoobiya ee Jabuuti ayaa shaacisay in 104 muwaadiniin Itoobiyaan ah oo ku jiray xaalado adag lagu soo celiyay dalkooda.
Safaaraddu waxay iskaashi la sameysay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) si loo fududeeyo dib-u-soo-celinta muwaadiniintan iyadoo la adeegsanayo tareen iyadoo labo wareeg lagu soo qaaday dadkaas.
Waxaa la sheegay in dadaallada lagu xakameynayo tahriibinta sharci-darrada ah ay sababtay in maalin walba dad badan oo muwaadiniin ah laga badbaadiyo xaalado halis ah oo geeri iyo adoonsi iskugu jira.
Hawlgalkan badbaadada ah ayaa qorshuhu yahay in si joogto ah loo sii wado sida laga soo xigtay warbixin ay tabisay safaaradda Itoobiya ee Jabuuti.