Afhayeenka Golaha Federeeshinka JDFI, Aganyahu Tashaager, ayaa gaadhay magaalada Arbaa Minj si uu usoo kormeero diyaargarowga xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Afhayeenka Golaha Federeeshinka JDFI, Aganyahu Tashaager, ayaa gaadhay magaalada Arbaa Minj si uu usoo kormeero diyaargarowga xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Afhayeenka Golaha Federeeshinka JDFI, Aganyahu Tashaager, oo hogaaminaya wafdi heer sare ah, ayaa gaadhay magaalada Arbaa Minj si ay u soo kormeeraan diyaargarowga xuska 19-aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo shucuubta dalka.
Markii uu Afhayeenku ka degay garoonka diyaaradaha ee Arbaa Minj, waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Deegaanka Koonfurta Itoobiya, Tilaahun Kabadha , ku-xigeenka madaxweynaha deegaanka, Gabramasqal Jaalla, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo magaalada, odayaal dhaqameed iyo shacabka magaalada.
Wafdigu waxaa la filayaa in ay qiimeeyaan shaqooyinka diyaargarowga xuska, ee ay deegaanku qabteen iyo sida ay u soo dhaweeynayaan martida iyo sidii si weyn loogu maamuusi lahaa munaasabadda.
Munaasabadda 19-aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo shucuubta dalka ayaa lagu qaban doonaa magaalada Arbaa Minj oo ku taalla Koonfurta Itoobiya, iyadoo halku-dhigg looga dhigay “Wadajirka Qaranka iyo isfahanka shucuubaha”, sida ay sheegayso xogta Golaha Federeeshinka.