Warshada Sahaminta iyo Soo saarista Dahabka - ENA Af-Soomaali
Warshada Sahaminta iyo Soo saarista Dahabka
Itiyo Mining waa shirkad ka shaqaysa sahaminta iyo soo saarista macdanta oo loo aasaasay inay la shaqayso Akobo Minerals oo ah shirkad saldhigeedu yahay waddamada Iskandaneefiyanka. Waxayna iskaashi iyo wadashaqayni ay ka dhaxaysaa Dowladda Itoobiya iyadoo soo maraysaysa Hay'adda Maaraynta Maalgashiga Itoobiya ee loo yaqaano Ethiopia Investment Holdings, taas oo diiradda lagu saaray sahaminta iyo soo saarista dahabka.
Deegaanka Gambella, gaar ahaan Degmada Dima, ayaa laga hirgaliyay maalgashigan muhiimka ah. "Waana mid farxad inoo ah ayna tahay inaan dhammaanteen aan ku faanno fursaddan horumarineed," . Magaalada Dima, waxay ka mid ahayd goobaha muddada dheer laga soo saarayay dahabka, laakiin inbadan waxay la daalaa dhaceysay caqabado ka jira habka soo-saarida dahabka.
Maalgashigan cusub ayaa la filayaa inuu si degdeg ah u sameeyo wax-soo-saarka dahabka oo tayo sare leh, islamarkaana looga hortago caqabadaha ka jira soo saarista sharci-darrada ah ee macdanta. Intaas waxaa dheer, waxa uu gacan ka geysan doonaa horumar waara oo ka hirgala deegaanka Gaambeella, iyadoo laga faa’iidaysanayo kheyraadka qotada dheer ee dabiiciga ah ee deegaanka si bulshada iyo deegaanka oo dhami uga faa'iidaystaan.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)