Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 11/2017T.I.(ENA): Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Danjire Misganu Argaa, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Itoobiya, Maxamed Saalim Al-Rashidi, halkaas oo ay ku yeesheen wada-hadallo miro dhal ah.
Wada-hadalladaas ayaa diiradda lagu saaray sidii labada waddan ay u sii xoojin lahaayeen iskaashiga ay ku leeyihiin dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u eegay waxyaabihii ka soo baxay shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Wasiirrada wadajirka ah, iyaga oo qiimeeyay habka fulinta heshiisyadaas.
Intaa waxaa dheer, inay isla garteen inay sii wadaan wada-xaajoodyada ku saabsan shirarka soo socda ee Guddiga Wasiirrada wadajirka ah ee labada dal.
Xogta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa sheegaysa in wada-hadallada diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga labada dhinac ee mustaqbalka.