Waxaa la kala saxiixday heshiis ogolaanaya inay ka wada shaqeeyaan tayaynta hoggaaminta - ENA Af-Soomaali
Waxaa la kala saxiixday heshiis ogolaanaya inay ka wada shaqeeyaan tayaynta hoggaaminta
Addis Ababa, Gudba/Hidaar 12/ 2017 (ENA) — Wasaaradda Waxbarashada iyo Akaadeemiyada heerka sare ee hogaaminta ee Afrika ayaa kala saxiixday heshiis u sahlaya in ay iska kaashadaan tayaynta hoggaaminta dalka.
Heshiiskan ayaa la kala sexiixday iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Waxbarashada Brof. Birhaanu Nagaa iyo Maareeyaha Akaadeemiyada heerka sare ee hogaaminta ee Afrika Saadiq Abraha, iyadoo ay heshiiska saxiixeen wasiiru dowlaha waxbarashada Koora Tushune iyo Ku xigeenka Maareeyaha Akaadeemiyada heerka sare ee hogaaminta ee Afrika Marwo Meseret Dhasta.
Waxaa la sheegay in heshiiskani uu u ogolaanayo in labada hay’adood ay iska kaashadaan tayaynta hoggaaminta.
Wasiirka waxbarashada Brof. Birhaanu Nagaa, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in heshiisku uu sahli doono in la helo tababar wanaagsan iyo in laga caawiyo soo saarista shaqaale xirfad leh.
Waxa uu sheegay in heshiiskan uu sahli doono in la helo hogaamin tayo leh.
Saadiq Abraha, oo ah Maareeyaha Akaadeemiyada heerka sare ee hogaaminta ee Afrika, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid inta badan looga gol leeyahay in lagu soo saaro hoggaamiyeyaal karti u leh siyaasadda, horumarinta iyo hoggaaminta.
Ugu dambayntii, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dhanka waxbarashada hoose laga soo bilaabo soo saarida hogaamin tayo leh.