Itoobiya iyo Japan ayaa kala saxiixday heshiis taageero ah oo gaadhaya 11 milyan oo dollar

Addis Ababa; Gudba/Hidaar 12/2017 (ENA):- Dalalka Itoobiya iyo Japan ayaa kala saxeexday heshiis taageero ah oo dhan 11 milyan oo dollar.

Waxaa heshiiska kala saxiixday wasiirka maaliyadda, Itoobiya Axmed Shide, iyo Safiirka Japan u fadhiya Itoobiya Shibata Hironori iyo madaxa hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Japan (JICA) Oshima Konsuke.


 

Lacagtan ayaa loogu talagalay mashruuc loogu magac daray "Mashruuca Horumarinta Dugsiyada Sare ee deegaanka Sidhaama".

Heshiiskan ayaa lagu sheegay in deegaanka laga dhisayo shan dugsi sare oo cusub oo yeelan doona agab waxbarasho oo kala duwan oo ay ka mid yihiin shaybaadhada.

Waxaa la tilmaay in 3,600 oo arday ay ka faa’ideysan doonaan mashruucan.


 

Wasiirka Maaliyada Axmed Shide ayaa dawlada Japan ku amaanay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay horumarka Itoobiya ee ciribtirka faqriga, waxbarasho la`aanta, nabadgalyo-darada iyo xasilooni la`aanta

Wasiirka ayaa khudbadiisa ku xusay ajendaha dib u habaynta dhaqaalaha ee ay Itoobiya fulinayso, wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay in dalku uu dhiso dhaqaale xasiloon.

Wuxuu ugu baaqay saaxiibada horumarineed ee sida Japan inay xoojiyaan taageeradooda si barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha Itoobiya uu u noqdo mid waxtar leh.

Safiirka Japan u fadhiya dalka Itoobiya Shibaata Hironoori ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iidaysan doonaan carruurta ku dhaqan deegaanka Sidhaama, taasina ay wax weyn ka tari doonto barwaaqada Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay in waxbarashadu ay tahay tiir muhiim u ah Itoobiya.

Xogta aan ka helayno wasaaradda maaliyadda, ayaa sheegaysa in safiirku uu sheegay in heshiiskani uu sii xoojin doono saaxiibtinimada u dhaxaysa dawladaha iyo shucuubta Itoobiya iyo Japan.

 

 

 

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015