Waxaa bilaabatay soo xaraynta iyo dhaqancelinta Dagaalyahanadii Hore ee Tigraay - ENA Af-Soomaali
Waxaa bilaabatay soo xaraynta iyo dhaqancelinta Dagaalyahanadii Hore ee Tigraay
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Komishinka Qaranka ee Dhaqancelinta ayaa ku dhawaaqay in maanta si rasmi ah loo bilaabay howsha dhaqancelinta iyo hub ka dhigista dagaalyahanadii hore ee Tigraay, iyadoo lagu soo xaraynayo xarumo loogu talogalay oo dhaqancelineed.
Dagaalyahanadii hore ee lagu ururinayo xarumahaas ayaa la filayaa inay dhiibaan hubka fudud ee gacmahooda ku jira si ay u galaaan xarumaha dhaqancelinta.
Intii lagu guda jiray wareeggii ugu horreeyay ee ururinta dagaalyahanadii hore, waxaa sidoo kale la ururiyay hub culus iyo hub yaryarba, waxaana hawshaas goobjoog ka ahaa wakiilo ka socda Midowga Afrika, Ururka Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub.
Xarumaha dhaqancelinta ee Mekelle, Idhaaga Haamuus, iyo Adhwa ayaa diyaar u ah inay maleeshiyaadkan dhaqancelinta loo samaynayo lagu qaabilo tababaro iyo wacyigelina lagu siiyo, sida ay shaaciyeen Komishinka Qaranka ee Dhaqancelinta.
Maleeshiyaadkan hore ee tababarka ku qaadan doona xarumahan ayaa la siin doonaa taageero si ay si caadi ah ugu biiraan bulshada, uguna noolaadaan nolol caadi ah.
Barnaamijkan ayaa looga gol leeyahay inuu ka caawiyo maleeshiyaadkii hore inay ka soo kabtaan dhibaatooyinkii dagaalka oo ay si nabad ah ugu dhex noolaadaan ugu biiraan bulshada.