Shaqooyinka horumarineed ee ka socda degaanka Benishangul-Gumus, ay sii xoogeysanaya si loo kobciyo khayraadka iyo dhaqaalaha deegaanka- Aadan Faarax - ENA Af-Soomaali
Shaqooyinka horumarineed ee ka socda degaanka Benishangul-Gumus, ay sii xoogeysanaya si loo kobciyo khayraadka iyo dhaqaalaha deegaanka- Aadan Faarax
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xafiiska Xisbiga ee Dalka ahna Madac Xarunta Iskudubaridka Nidaamka Dimuqraadiyada Lehna Awood Ra'iisul Wasaare Kuxigeen ee dalka Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in kooxaha hubaysan ee ka dhaqaaqa qaar ka mid ah deegaannada dalka ay fursad u haystaan inay ka qeyb qaataan nabadda, si ay gacan uga geystaan horumarinta dalka. Wuxuu ku booriyey inay doorkooda ka ciyaaraan.
Mudane Aadan Faarax, oo ay weheliyaan masuuliyiinta deegaanka Benishangul-Gumus iyo xubno kale oo sare oo ka tirsan Xisbiga Barwaaqo, ayaa booqday mashaariic kala duwan oo horumarineed oo laga hirgaliyay magaalada Asoosa. Kuwaasoo ay ka mid yihiin xarun xanaaneynta xoolaha oo lagu dhaqo digaaga, lo'da oo caano laga maalo, kalluun, iyo xaruumo kale oo la xiriira daryeelka xoolaha.
Waxay booqdeen xarumo beereed oo ay leeyihiin dad gaar ah, sida mashruuca uu leeyahay Mudane Fiqadu Naamera, oo ah tusaale muhiim u noqon degaannada kale ee dalka. Waxay sidoo kale booqdeen warshad soo saarta badeecooyinka geedka bamboo-ga loo yaqaano oo ku taalla magaalada Asoosa.
Mudane Adan wuxuu xusay in shaqooyinka horumarineed ee socda ay kaalin muuqata ka qaadanayaan badbaadinta bulshada iyo yareynta sicir-bararka, isla markaana ay dadweynuhu uga faa'iideysan doonaan si weyn.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay taageerada fikradaha cusub ee lagu xaqiijinayo isku-filnaanta cunntada si loo gaaro horumar qaran.
Ugu dambeyn, wuxuu ku baaqay in kooxaha hubaysan ay ka tanaasulaan colaadaha oo ay nabadda qaataan, si ay u taageeraan mashaariicda horumarineed ee dalka.