Xukuumadda Deegaanka ayaa Kuliyadda Caafimaadka Jigjiga ugu magac dartay Cali Dhadac (AU) oo ahaa shaqsi bulshada magaalada Jigjiga maamuus ku dhex leh - ENA Af-Soomaali
Xukuumadda Deegaanka ayaa Kuliyadda Caafimaadka Jigjiga ugu magac dartay Cali Dhadac (AU) oo ahaa shaqsi bulshada magaalada Jigjiga maamuus ku dhex leh
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Madaxa Xafiiska Shaqo-abuurka ayaa daaha ka rogay magac-bixinta kuliyadda iyo dhismayaal lagusoo kordhiyay oo ka qayb'qaadan doona tayaynta iyo kobcinta adeegga waxbarashada kuliyadda caafimaadka ee Cali Dhadac.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ay muhiim tahay marwalba xusuusashada dadkeenii mudnaa ee usoo halgamay jiritaanka ummad-nimo ee bulshada Deegaanka. Ujeeddadu waa in jiilasheena danbe iyo kuwa joogaba ay xasuusnaadaan cid walba oo dadkeeda iyo deegaankeedaba wax tartay ayuu yidhi Madaxweynuhu.
" Magac-bixinta Cali Dhadac ee Kuliyadda 2 qoddob ayaa ka danbaysa; Ta koobaad waa inuu ahaa shaqsi Soomaali-nimo jecel, xili ay adkayd in magacaas lasoo haddal qaado, ta labaadna waa in uu ahaa shaqsi Diin jacayl ku suntan ilaa markii danbe uu arrimahaasi dartood dulmane unoqday", Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
Qorshaha magac baddelka kuliyadda ayaa ah mid guud oo Xukuumadda Deegaanku ay qorshe uqaadatay si loo maamuuso oo loo sharfo halgamayaashii iyo shaqsiyaadkii hormuudka u ahaa bulshada ee kasoo qayb'qaatay:Ilaalinta diinta, dhaqanka, halganka, xoriyada, midnimada ummadda iyo horumarinteeda.
Ugu danbayn masuuliyiinta ayaa dhir-beeris ka sameeyay gudaha kuliyadda.