Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkiisii 40-aad oo caadi ah, waxaana lagaga dooday qodobo kala duwan iyadoo la ansixiyay qodobo muhiim ah:

1. Qodabka koobaad ayaa ku saabsanaa istaraatiijiyadda dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muddada dhexe (2017-2021): Golaha Wasiirada waxa uu si gaar ah u eegay istaraatiijiyadda dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muddada dhexe. Arrintan waxaa diiradda lagu saaray dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo siyaasadaha maaliyadeed ee dowladda, si loo fududeeyo fulinta qorshayaasha kor u qaadaya dhaqaalaha. Ka dib dood ballaaran, goluhu wuxuu si buuxda u ansixiyay in arrintan la dhaqangaliyo.



2. Qodobka labaad ayaa ku saabsanaa Miisaaniyadda dheeraadka ah iyo qorshaha dib-u-habaynta kharashaadka: Golaha Wasiirada ayaa ka dooday hindise sharciyeedka miisaaniyadda dheeraadka ah ee dowladda federaalka ee sanadka 2017. Miisaaniyadda dheeraadka ah waxaa loogu talagalay in lagu taageero fulinta istaraatiijiyadda dhaqaalaha muddada dhexe. Lacag dhan 581.98 bilyan oo Birr ayaa loogu talagalay kharashaadka dheeraadka ah. Ka dib dooda, golaha ayaa ansixiyay waxaana loo gudbiyay Golaha Wakiilada Shacabka si goluhu uga doodo wixii ka dhimana ugi daro.


3. Qodobka saddexaad ayaa ahaa Aasaaska Machadka Khubarada Xisaabaadka ee Itoobiya: Goluhu wuxuu ka dooday hindise sharciyeed lagu dhisayo machad loo asteeyay in lagu tababaro khubaro xisaabeed, si kor loogu qaado adeegyada maaliyadeed ee ay bixiyaan hay'adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Dood dheer kadib, golaha wasiirada ayaa ansixiyay waxaana loo gudbiyo Golaha Wakiilada Shacabka si ay waxa ka dhiman ugu biiriyaan.



4. Qodobka afaraad ayaa sidoo kale ah Sharci cusub oo ku saabsan maaraynta qashinka qallalan: Goluhu wuxuu ka dooday sharci la xiriira maaraynta qashinka qallalan si loo xakameeyo saameynta taban ee uu ku leeyahay deegaanka iyo caafimaadka dadka. Waxaa sidoo kale la sheegay in la xoojinayo dib-u-warshadaynta iyo isticmaalka waara ee qashinka qallalan.  Ka dib dood ay ka yeesheen goluhu waxaa qodobka arrintan loo gudbiyay Golaha Wakiilada Shacabka.


5. Qodobka shanaad ayaa ah Dib-u-eegista sharciga guddiga dib-u-heshiisiinta qaran:
Goluhu wuxuu ka dooday dib-u-eegista sharciga lagu aas-aasay guddiga dib-u-heshiisiinta iyo dhaqancelinta qaran, si guddigu u yeesho awood uu ku fuliyo waajibaadkiisa sharciga ah. Ka dib dood ay goluhu la yeesheen waxaa la go’aamiyay inuu dhaqangalayo markii lagu daabaco wargeyska Nagaariit.



6. Qodobka lixaad ayaa ahaa Sharci ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta toogaga iyo goobaha biyaha: Goluhu wuxuu ka dooday sharci cusub oo lagu ilaalinayo togaga iyo hareeraha biyaha ee dalka. Ujeeddada sharcigan waa in la yareeyo saameynta xun ee deegaanka, loogagana faa'iidaysto horumar waara. Qodobkan ayay goluhu dood dheer kadib i gudbiyeen Golaha Wakiilada Shacabka.


7. Qodobka toddobaad ee ugu dambeeya ayaa ah Sharci ku saabsan maamulka kheyraadka biyaha: Goluhu wuxuu ka dooday sharciga lagu maamulayo kheyraadka biyaha dalka si loo xaqiijiyo isticmaal hufan oo waara. Ka dib dooda goluhu waxay cod aqlabiyad leh ku go'aamiyeen in loo gudbiyo Golaha Wakiilada Shacabka.


 

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015