Dakhli ka badan 2 Bilyan oo Doollar ayaa laga helay Dhoofinta Badeecooyinka ee wax soo saarka gudaha

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 23/2017 (ENA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobalka, Itoobiya ayaa shaacisay in afartii bilood ee la soo dhaafay ay ku guuleysteen inay ka helaan dhoofinta badeecooyinka kala duwan dakhli dhan 2 bilyan oo doollar iyo wax ka badan.

Intii lagu jiray muddadan, waxaa la dhoofiyay 479,830 tan oo badeecooyin kala duwan ah, taas oo keentay in la gaaro 132.37% yoolkii la dejiyay.

Marka la barbardhigo isla muddadan sannadkii hore ee 2016, waxaa jira koror dhan 947.36 milyan oo doollar, taas oo ah 89.18% korodh ah.

Dakhligan guud ayaa laga kala helay 53.25% oo ah wax soo saarka beeraha, 37% macdanta, 5.43% oo wax soo saarka warshadaha, iyo 4.33% oo ah adeegyada kale sida dhoofinta adeega quwada korontada.

Sidoo kale Dahabka, Bunka, iyo Badeecooyinka farsamada ayaa noqday badeecooyinka ugu faa'iidada badan, iyagoo dhaafay yoolalkii loo dejiyay.

Ugu dambayntii, Waxaa la dhoofiyay in ka badan 150,350 tan oo bun ah, taasoo laga helay dakhli dhan 674.55 milyan oo doollar. Sidoo kale, 9.03 tan oo dahab ah ayaa la dhoofiyay, taasoo laga helay 735.65 milyan oo doollar oo dakhli ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015