In ka badan 2.7 Milyan oo hektar oo dhul ah ayaa lagu beerey dalag kala duwan - ENA Af-Soomaali
In ka badan 2.7 Milyan oo hektar oo dhul ah ayaa lagu beerey dalag kala duwan
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 23/2017 (ENA): Wasaaradda Beeraha ayaa shaacisay in hawlaha horumarinta wax soo saarka beeraha ee xilli-beereedkan, in ka badan 2.7 milyan hektar oo dhul ah lagu beerey dalag kala duwan.
Xilli-beereedkan wax-soosaarkan, qorshuhu waa in lagu beero in ka badan 4.2 milyan oo hektar oo dhul ah si loo soo saaro 173 milyan kiintal oo wax-soosaarka kala duwan ah. Dadaallo xooggan ayaa socda si loo gaaro qorshahaas.
In ka badan 3.2 milyan oo hektar ayaa la qorsheeyay, waxaana la beeray in inka badan 2.7 milyan oo hektar, sida laga soo xigtay wasaaradda.
Ugu dambayntii, waxaa la sheegay in dadaallada horumarinta xilli-beereedkan si xooggan looga wado dhammaan deegaannada dalka si looga dhabeeyo qorshaha qaranka ee beeraha.