Waxaa la daah-furay mashruuca waraabka galbeedka Godey oo lagu sameeyay, dayactir, balaadhin iyo dib-u-dhis, ayna ku baxday ku dhawaad 3 Bilyan oo Birr - ENA Af-Soomaali
Waxaa la daah-furay mashruuca waraabka galbeedka Godey oo lagu sameeyay, dayactir, balaadhin iyo dib-u-dhis, ayna ku baxday ku dhawaad 3 Bilyan oo Birr
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 25/2017 (ENA): Raysal wasaaraha JDFI, Dr. Abiyi Axmed, Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Waraabka iyo Dhulka Joogiisu hooseeyo, Dr. Abraham Balaay ayaa daah-furay mashruucani oo ay hirgelisay wasaaradda Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee JDFI.
Mashruucan waraabka galbeedka Godey ee degmada Beercaano ayay dayactirka iyo dib-u-dhiska lagu sameeyay mashruucu sahlaysaa in la beero dhul beereed dhan ku dhawaad 10 kun oo Hiktar. Waxaana hadda beeran 3,000 oo hiktar oo isugu jira wax-soo-saarka kala duwan ee dalagga beeraha.
Mashruucani ayaa kamid ah mashaariicaha waaweyn ee ay xukuumadda fadaraalku ka hirgelisay Deegaanka Soomaalida, waxa uuna wax badan ka badali noolaa nolosha bulshada beeralayda ah ee gobolka.