Waxaa soo xidhmay tababar ka socday xafiiska Dakhliga ee Deegaanka Soomaalida - ENA Af-Soomaali
Waxaa soo xidhmay tababar ka socday xafiiska Dakhliga ee Deegaanka Soomaalida
Jigjiga, Xorrey/Tahsaas 28/2017 (ENA): Tababarkan ayaa waxaa soo xidhay Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Dakhliga DDS Axmed Muxumed.
Tababarkan oo ku saabsanaa nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga (SIGTAS), ayaa loo qabtay hawl-wadeeno ka kala socday 11-ka gobol iyo 6-da maamul magaalo, kaas oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey.
Tababarkan, oo socday mudo 7 maalmooda ayaa lagu bixiyay qaab wax ku ool ah ama baraatikaal ah, waxaana casharrada bixinayay khubaro heer federaal ah.
Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Dakhliga DDS, Mudane Axmed Muxumed, ayaa sheegay in nidaamkan SIGTAS uu fududeynayo ururinta iyo bixinta dakhliga, isagoo kula dardaarmay kasoo qaybgalayaasha in uu tababarkani noqdo mid midho dhala ayna uga faa'iidaystaan hawlahooda shaqo.
Ugu dambayntii, tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Xafiiska Dakhliga deegaanka Soomaalida ee lagu horumarinayo garaadka aqooneed ee hawl-wadeenada, isla markaana lagu taageerayo dib-u-habaynta dhaqaalaha deegaanka iyo dalkaba.