Waxaa wali socda howlaha samata bixinta dadka ee dhulgariirkii ka dhacay Shiinaha - ENA Af-Soomaali
Waxaa wali socda howlaha samata bixinta dadka ee dhulgariirkii ka dhacay Shiinaha
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas, 30, 2017 (ENA) Dhulgariir ku dhuftay Koonfur Galbeed ee gobolka Tibet ee dalka Shiinaha ayaa galaaftay nolosha 126 qof, waxaana ku dhaawacmay 188 qof.
Musiibadan, ayaa kumanaan guri oo ku yaallay waqooyi Himalayas ay ku burbureen, in ka badan 30 kun oo dadka deegaanka ah ayaa loo raray meelo kale.
Waxaa la sheegay in ilaa 407 qof lagoo badbaadiyay musiibadan.
Waxaa la ogsoonyahay in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu shalay amray in la sameeyo gurmad ballaaran, waxaana weli socda gurmadka.
Dhulgariirka ayaa la sheegay in uu ka qoto dheer yahay in ka badan 10 kiilo mitir, waxaana uu ka dhacay gobolka Shigatsi ee Tibet abbaare 7:00 oo habeenimo.