Waxaa talaabo laga qaaday ganacsatadii ku hawlanayd ganacsiga sharci darada ah ee gobolka Oromiya - ENA Af-Soomaali
Waxaa talaabo laga qaaday ganacsatadii ku hawlanayd ganacsiga sharci darada ah ee gobolka Oromiya
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 30/2017 (ENA): Xafiiska ganacsiga ee deegaanka Oromiya ayaa sheegay in uu talaabo ka qaaday ganacsatadii ku hawlanayd ganacsiga sharci darada ah ee gobolka Oromiya.
Ku xigeenka madaxa xafiiska Ganacsiga Tesfaye Gesho oo ENA la hadlay ayaa sheegay in talaabadan sharciga ah ay ku timid kontorool iyo dabagal xoogan oo lagu sameeyay 5-tii bilood ee la soo dhaafay iyada oo la xoojiyay nidaamka isku dhafka ah ee ka jira deegaanka.
Wuxuu sheegay in tallaabo laga qaaday ganacsato ku shaqeysaneysay ganacsi kale oo aan ahayn shatiga ganacsi ee la siiyay, kuwaasi oo iibin jiray badeecado la isku daray iyo kuwa ku howlan falal kale oo sharci darro ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in la ganaaxay kuwi ku hawlanaa isdaba marinta miiisaanka,ah, kuwa aan cusboonaysiin shatiga ganacsi, ku hawlan goobo kale oo aan ka ahayn goobtii shaqada ee ay liisanka ay ku qaateen, isla-markaana lagu helay inay iibinayaan alaab dhacay.
Waxa uu tilmaamay in tallaabo maamul iyo mid sharciga waafaqsan laga qaaday in ka badan 75,000 oo ganacsato ah oo ku ganacsanayay ganacsi sharci darro ah.
Waxa uu sheegay in tallaabada maamul ee ay qaadeen ay tahay mid laga noqday shatiga iyo lingixida xaruntooda ganacsi.
Wuxuu sheegay in ganaaxa lagu soo rogay ganacsatada loogu xareeyay dowladda lacag ka badan 16 milyan oo Birr.
#Ethiopian_News_Agency
#Ethiopia #ENA