Isbeddellada laga hirgaliyay xarumaha farsamada iyo xirfadaha waxay abuureen khayraad cusub:Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha - ENA Af-Soomaali
Isbeddellada laga hirgaliyay xarumaha farsamada iyo xirfadaha waxay abuureen khayraad cusub:Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha
Addis Ababa, Xorrey/ahsas 30, 2017 (ENA) – Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha, Muferihat Kamil, ayaa sheegtay in isbeddellada laga hirgeliyay xarumaha farsamada iyo xirfadaha ee sanadihii isbeddelka kadib ay suurtageliyeen in la abuuro khayraad cusub.
Waxa ay tilmaantay in xarumaha tababarku ay door muhiim ah ka ciyaareen sidii muwaadiniinta loogu dhiirrigelin lahaa inay noqdaan hal-abuurayaal shaqo, xalna ka keenaan caqabadaha iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada cusub.
Wasiirka oo la hadashay wakaaladda wararka Itoobiya ee (ENA) ayaa xustay in horumarinta xirfaduhu ay tahay mid muhiim u ah kobaca dhaqaalaha, joogtaynta horumarka, iyo yaraynta shaqo la’aanta.
Waxay intaas ku dartay in horumarinta xirfadaha ay u baahan tahay qiimeynta xarumaha tababarada, horumarinta kaabeyaasha, iyo hirgelinta mashaariic badan oo dhinacyo kala duwan ah.
Waxa ay xustay in sanadihii isbeddelka xarumaha farsamada iyo xirfadaha ay ka hirgeliyeen isbeddello wax ku ool ah oo keenay in la abuuro khayraad cusub.
Waxay tilmaantay in ardayda ka baxaysa xarumahaasi lagu tababaro sidii ay u noqon lahaayeen hal-abuurayaal shaqo, xalna ay ka keenaan caqabadaha iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada cusub.
Sidoo kale waxay sheegtay in la sii xoojin doono hawlaha xarumaha farsamada iyo xirfadaha, lagana shaqeyn doono sidii loo ballaarin lahaa waxtarkooda.
Xaruamahani waxay fursad siin doonaan soo saarista muwaadiniinta da’ yarta ah ee leh hibada iyo hal abuurka helaan shaqooyin.
#Ethiopian_News_Agency #Ethiopia