Waxaa la Ansixiyay bayaanka dhamaystiraya Sharciga lagu soo celinayo hantida dowladda iyo ta shacabka

Addis Ababa, Dharabley/Tir 1/2017 (ENA): Golaha Wakiillada Shacabka ayaa ansixiyay xeerka hantida dowladda iyo ta shacabka lagu soo celinayo, kaas oo buuxinaya sharciga laguso celinayo hantida dawlada iyo ta shacabka.

Goluhu waxa uu maanta kalfadhigiisii caadiga ah ee 14aad kaga dooday hindise-sharciyeedka hantida lagu soo celinayo, isagoo ka baaraandegay warbixinta iyo soo jeedinta Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Sharciga iyo Caddaaladda, kadibna si aqlabiyad leh ku ansixiyay.


 

Sharcigan cusubi waxa uu ku saabsanyahay dib usoo celinta hantida si sharci-darro ah lagu helo, iyada oo sidoo kale la xaqiijinayo isla xisaabtanka sharciga ah iyo shuruucda lagu hagayo.

Xoghayaha Guddiga Joogtada ah, isagenet Mengistu, ayaa sheegtay in dib-u-habaynta iyo qodobbada cusub ee lagu daray xeerkan lagu soo bandhigay warbixin loo gudbiyay golaha si loo ansixiyo.


 

Bayaankan ayay ujeedadiisu tahay in dadku si sharci ah ay hanti u yeeshaan in lala xisaabtamo kuwa ku sameeya hanti si khiyaano ah, iyo in uu taageerto horumarka dalka.

Xildhibaanada golaha ayaa sheegay in xeerkan uu muhiim u yahay ilaalinta xuquuqda shacabka, iyaga oo sidoo kale muujiyay baahida loo qabo in si feejignaan ah loo hirgeliyo, lana xoojiyo hay’adaha fulinta si loo xaqiijiyo caddaaladda.

Sidoo kale, waxa la xusay in loo baahan yahay in xeerku aanu meel uga dhicin xuquuqda dastuuriga ah ee hantida gaar ahaaneed, isla markaana uu joojiyo musuqmaasuqa iyo dambiyada la xidhiidha hantida qaranka.

Golaha ayaa dood dheer kadib xeerkan ku ansixiyay saddex cod oo diidmo ah iyo afar cod oo ka aamusay, iyadoo cod aqlabiyad buuxda lagu meel mariyay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015