Caafimaadka Hooyooyinka iyo dhallaanka ayaa ka mid ah arrimaha ay dowladdu mudnaanta siiso- Wasaaradda Caafimaadka

Addis Ababa, Dharabley/ Tir 2017 (ENA) – Wasiirka Caafimaadka, Dr. Liyaa Tadhesse, ayaa sheegtay in caafimaadka hooyooyinka iyo dhalaanka, iyo badbaadinta caafimaadka carruurta dhallanka, ay yihiin arrimaha mudnaanta sare leh ee ag dowladdu xoogga saarayso.

Wasiiradda ayaa hadalkan ka sheegtay war-saxaafadeed ay siisay warbaahinta iyadoo la xusayo bisha hooyo caafimaadka Qabta oo la xusayo.

 Waxay sheegtay in dowladdu ay dadaal ku bixiso sidii hooyooyinka loo gaarsiin lahaa adeegyada caafimaad oo ku habboon marka ay uurka leeyihiin ama ay umulayaan.

Waxay intaa ku dartay in si loo hubiyo in hooyooyinku helaan adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihiin, laga shaqeynayo horumarinta xarumaha caafimaadka, helitaanka qalabka caafimaadka ee lagama maarmaanka ah, iyo tababarka xirfadeed ee shaqaalaha caafimaadka.



Waxaa sidoo kale ay sheegtay in lagu diyaarinayo goobaha caafimaadka ee hooyooyinku ay Ku sugi karaan meelaha aysan adeeg Ku baboon aysan ka heli karin xilliyada ay umulaan.

Wasiiradda ayaa xustay in la xoojinayo shaybaarada dhiigga ee tayada sare leh si looga hortago dhibaatooyinka caafimaad ee lala xidhiidhiyo dhiig-baxa xilliyada foosha iyo dhalmada ka dib.

Waxay sidoo kale sheegtay in dadaallo lagu sameynayo kor u qaadista wacyiga hooyooyinka si ay ula socdaan xaaladahooda caafimaad inta aysan uur qaadin, iyadoo taageero laga helayo shaqaalaha caafimaadka bulshada (health extension workers).

Wasiiradda ayaa tilmaamtay in cudurka kansarka ilmo-galeenka uu yahay mid ka mid ah sababaha ugu badan ee dhimashada hooyooyinka keena.

Waxay sheegtay in dadaallada looga hortagayo cudurkan ay muhiim tahay in haweenku ay horay u sameeyaan baaritaanno caafimaad oo joogto ah.

Waxay xustay in lagu howlan yahay sidii lagu xakameyn lahaa kansarka ilmo-galeenka, iyadoo bulshada loo samaynayo wacyi-galin caafimaad. Tallaabooyinkaas ayaa lagu fulin doonaa iyadoo lagu xusayo bisha hooyo caafimaad qabta.

Wasiiradda ayaa ugu dambeyn sheegtay in xuska bisha caafimaadka hooyada uu xoogga saari doono sidii hooyooyinka ay heli lahaayeen adeegyada dhalmada oo tayo leh, si loo xaqiijiyo caafimaadkka hooyada iyo dhallaanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015