Waxaa xadhiga laga jaray xarunta adeega keydka dhiiga ee laga hirgaliyay magaalada Garbo

Addis-Ababa Dharabley/Tir 3/2017(ENA)-Waxaa xadhiga laga jaray xarunta adeega keydka dhiiga oo laga hirgaliyay magaalada Garbo.
 

Munaasabada xadhig kajarka xaruntan kaydinta dhiiga waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin isugu jirtay heer federaal, heer deegaan iyo heer gobol oo ay ka mid ahaayeen Wasiir kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Mudane Maxamed Ayaanle, maareeyaha guud ee bangiga keydka dhiiga ee heer dalka Dr. Ashenafi Tazebew iyo gudoomiyaha gobolka Nogob Mudane Cabdirisaaq Maxamed oo si wadajir ah xadhiga uga jaray xaruntan adeega keydka dhiiga ee magaalada Garbo.

Xaruntan keydka dhiiga oo muddo badan ay sugayeen shacabku ayaa waxbadan ka tari doonta baahida loo qabo adeega keydka dhiiga.


 

dhanka kale, waxay masuuliyiintani xadhiga ka jareen ballaadhinta lagu sameeyay adeegyada cusub ee lagu soo kordhiyay cusbitaalka magaalada Garbo, iyagoona kulan wacyigalin ah la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan degmada Garbo si ay kaalintooda uga qaataan.

 #Ethiopia
#Ethiopian_News_Agency

Wakaalada Warka Itoobiya
2015