In ka badan 451 bilyan oo birr oo dakhli ah ayaa la ururiyay - ENA Af-Soomaali
In ka badan 451 bilyan oo birr oo dakhli ah ayaa la ururiyay
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 5/2017 (ENA): Wasaaradda Dakhliga ayaa sheegtay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu guuleystay in la ururiyo dakhli ka badan 451 bilyan oo birr.
Wasaaraddu ayaa qiimeynta waxqabadka lixda bilood ee la soo dhaafay uu uga socdaa magaalada Bishoftu.
Intii lagu jiray qiimayntan, Wasiiradda Dakhliga, Marwo Aynalam Nuguse, ayaa sheegtay in ololaha uu halkudhagiisu yahay "Canshuurta waa sharafta qaranka" uu noqday mid guul leh, kaasoo dakhligu uga gudbay bilyan una gudbay heerka tiriliyanka.
Waxay intaas ku dartay in lixdii bilood ee sannadkan la qorsheeyay in la ururiyo 445.8 bilyan oo birr, balse la ururiyay 451.4 bilyan, taasoo ka dhigan in boqilkiiba 101 uu ka sarreysa qorshihii la dejiyay.
Dakhligan ayaa kasoo xarooday canshuuraha gudaha iyo kuwa Jibriyada, sida lagu xusay warbixinta.
Ugu dambayntii, In kasta oo waxqabadka lixda bilood uu yahay mid wanaagsan, haddana waxaa loo baahan yahay dadaal dheeri ah bilaha haray si loo xaqiijiyo himilada sannadlaha ah.