Waxaa xadhiga laga jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay degmada Harawo ee gobolka Faafan - ENA Af-Soomaali
Waxaa xadhiga laga jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay degmada Harawo ee gobolka Faafan
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 5/2017 (ENA): Mashaariicdan oo iskugu jirtay dayrka xarunta caafimaadka degmada dib-u-habaynta hoolka shirarka degmada iyo guri loo dhisay qoys danyar ah oo ku nool degmada. Mashaariicdan oo ah tii degmada u qorshaysnayd rubaca koobaad ee sanadkan ee 2017-ka ayaa waxaa si wada jir ah xadhiga uga jaray masuuliyiinta maamulka gobolka Faafan iyo kan degmada Harawo.
Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Faafan Mudane. Khadar Abiib oo munaasibada xadhig jarka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa bogaadiyay mashaariicdan degmadu fulisay, dhanka kalena sheegay in fulinta mashariicday daba socdaan jihooyinkii siyaasadeed ee Xisbiga Barwaaqo soo dhaadhiciyay.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha degmada Harawo Mudane. Maxamed Sheekh ayaa sheegay in mashaariicdan bulshada baahi badan u qabeen ka maamul degmo ahaana markasta xoogga saarayaan sidii baahida bulshada jawaab looga bixin lahaa.