Go’aannada Shirkii 41-aad ee caadiga ah ee Golaha Wasiirrada - ENA Af-Soomaali
Go’aannada Shirkii 41-aad ee caadiga ah ee Golaha Wasiirrada
Dharabley/Tir 6, 2017 T.I.
Addis Ababa
Golaha Wasiirrada ayaa maanta yeeshay shirkii 41-aad ee caadiga ah, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah isla markaana lagu soo saaray go’aammo muhiim ah:
1. Dib-u-habaynta Maaliyadeed iyo Mashruuca Casriyeynta Adeegga Dowladda: Goluhu waxa uu ugu horrayn ka dooday laba heshiis oo maaliyadeed oo lala galay Bangiga Aduunka (World Bank). Heshiisyadaas ayaa ah Mashruuca Casriyeynta Adeegga Dowladda ee Itoobiya oo ay ku baxeyso 53.3 milyan oo Doollar Mareykanka ah (SDR), Mashruuca Xoojinta Maaliyadda oo ay ku baxeyso 525.7 milyan oo Doollar Mareykanka ah (SDR). Labada heshiisba waa daymo aan ribo lahayn oo leh khidmad adeeg dhan 0.75%, waxaana dib loo bilaabi doonaa bixinta lacagaha 6 sano ka dib, iyadoo lagu dhamayn doono muddo 38 sano gudahood ah. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in heshiisyadan loo gudbiyo Golaha Wakiillada Shacabka si loo meel mariyo.
2. Dib-u-eegista Xeerka Maalgashiga: Goluhu waxa uu sidoo kale ka dooday xeerka dib-u-habaynta maalgashiga, gaar ahaan Xeerka Maalgashiga ee xeer Lr. 517/2014. Inkasta oo xeerkan si rasmi ah u shaqaynayey, haddana waxaa jira caqabado la soo gudboonaaday shirkado kala duwan. Dib-u-habayntan waxaa xoogga lagu saaray in wax walba la caddeeyo oo si rasmi ahna loo dhaqangeliyo kadib marka lagu daabaco jaraa’idka rasmiga ah ee dawladda (Federal Negarit Gazette).
3. Maamulka iyo Milkiyadda Hay’adaha Horumarinta Dowladda: Goluhu waxa uu sidoo kale ka dooday qorshe la xiriira sidii loo maamuli lahaa hay’adaha horumarinta ee dowladda. Qorshahani waxa uu u jeedkiisu yahay in maamulka iyo milkiyadda hay’adahaas lagu wareejiyo Shirkadda Maareynta Hantida iyo Daymaha Qaranka (Asset and Liability Management Corporation). Xeerka lagu dhaqangelinayo qorshahan waxa uu xoogga saarayaa in xuquuqaha iyo waajibaadka hay’adahaas si rasmi ah loogu wareejiyo shirkaddan, wuxuuna dhaqangeli doonaa kadib marka lagu daabaco jaraa’idka rasmiga ah.
//
#XAFIISK RA'IISUL WASAARAHA ITOOBIYA