Saamsom Makonnin (PhD) ayaa loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Isgaarsiinta Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Saamsom Makonnin (PhD) ayaa loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Isgaarsiinta Itoobiya
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 6/2017 (ENA): Golaha Wakiillada Shacabka ayaa ansixiyay magacaabista Dr. Samsom Makonnin oo noqonaya Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Isgaarsiinta Itoobiya.
Goluhu ayaa yeeshay kulankoodii 15-aad ee caadiga ahaa ee sanad shaqeedkooda afaraad.
Intii lagu guda jiray kulanka, Golaha Wakiillada Shacabka waxay si rasmi ah u ansixiyeen soo jeedinta lagu magacaabay Dr. Saamsom Makonnin inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Itoobiya.
Maareeyaha cusub ayaa beddelaya Maxamed Idriis oo horay u hayay xilka Maareeyaha Guud, iyadoo la xasuusto in Maxamed Idriis loo magacaabay Wasiirka Nabadda.
Saamsom Makonnin (Dr.) ayaa horey uga soo shaqeeyay hay’ado waxbarasho oo sare isagoo macallin iyo madaxba ka ahaa.
Magacaabistiisa Maareeyaha Guud ayaana lagu ansixiyay cod buuxa.
Ugu dambayntii, Maareeyaha Guud ee cusub ayaa sidoo kale hortagay Golaha, halkaas oo uu kula hadlay xubnaha ka hor inta aan xilka loo dhaarin.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya