Goluhu wuxuu ansixiyay sharciga canshuurta Hantida

Addis Ababa, Dharabley/Tir 6, 2017 (ENA): Golaha wakiillada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay sharciga canshuuraha hantida.  
  
Golaha 6-aad ee kalfadhiga caadiga ah ee 15-aad sanadka 4-aad ee golaha shacabka ayaa si habsami leh u socda.
   
Sidoo kale, waxa warbixin iyo soo jeedin ku saabsanayd xeerka cashuuraha hantida ay soo gudbiyay guddida joogtada ah ee qorshaynta, miisaaniyada iyo maaliyadda, waxaanay mudanayaasha goluhu soo jeediyeen su’aalo iyo aragtiyo ku saabsan xeerkan oo ay ka doodeen.   
 

faahfaahin uu ka bixiyey wasiirka golaha u qaabilsan xukuumada Tesfaye Belzge (Dr.) oo ka tirsan golaha wakiilada, waxa uu ku sheegay in dakhliga laga soo ururiyo hantida ka soo baxda Itoobiya aanu ku filnayn.  
 
Waxa uu xusay in ka qaybgalka dakhliga cashuuraha ee wax-soo-saarka guud ee Qaranka (GDP) aanu dhaafin boqolkiiba 7, taas oo ah mid hoose marka loo eego waddamada Saxaraha ka hooseeya. 
Wasiirka oo sheegay in la kordhiyo awoodda dakhli ururinta ayaa sheegay in wareegtadan ay kor u qaadayso awoodda canshuur ururinta. 
   
Waxa uu tilmaamay in wareegtadan ay wax badan ka tari karto balaadhinta ilaha canshuuraha, kordhinta tayada kaabayaasha dhaqaalaha ee dowladda, iyo in si hufan loo dhaqan geliyo candhuurta hantida.
 
Waxa uu sharraxay in kor u qaadista awoodda dakhligu ay door muhiim ah ka ciyaarto ka jawaabista baahiyaha dadweynaha ee degdegga ah; Arrintaas ayuu sheegay in hirgelinta canshuurta hantida ay faa’iido weyn u leedahay dalka.  
  
Ka dib markii ay ka doodeen su'aalaha iyo faallooyinka ku saabsan sharciga cashuuraha hantida, waxa uu goluhu xeerka Ku ansixiyay cod aqlabiyad ah.
 
#Ethiopian_News_Agency
#Ethiopia

Wakaalada Warka Itoobiya
2015