Xukuumadu waxa ay kabis badan ku bixisaa si loo xaqiijiyo oo loo sii wado agabka istaraatiijiga ah ee la isku halayn karo oo uu shidaalku ka mid yahay – Wasiirka Maaliyada Axmed Shide

Addis Ababa; Dharrabley/Tir 7/2017 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa sheegay in dowladdu ay kabis dhaqaale badan ku bixiso sidii loo heli lahaa agab istaraatiiji ah oo uu shidaalku ka mid yahay.

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in dawladu ay shidaalka ku kabtay 267 bilyan oo birr sanadihii u dambeeyay; Waxa uu xusay in 100 bilyan oo Birr oo dheeraad ah loo ansixiyay kabka shidaalka sanadkan oo keliya.

Shir-jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide oo ku saabsanaa Shidaalka iyo Kabista, waxa uu ku sheegay in tan iyo intii la hirgeliyay isbedello dhaqaale oo ballaadhan, ay socdaan hawlo ballaadhan oo lagu xoojinayo dib-u-habaynta dhaqaalaha, isla markaana ay qayb weyn ka qaadanayso kobaca dhaqaalaha.

Waxa uu sheegay in dib-u-habayntani ay si weyn u horumarisay dakhliga ka soo xarooda sarifka lacagaha qalaad, xoojinta iskaashiga horumarineed ee ay la leeyihiin hay’adaha horumarinta, kor u qaadista waxqabadka dhoofinta, korodhka kaydka bangiyada, isla markaana suurtogeliyay waxqabad hufan oo dhinac walba ah.

Waxa uu sheegay in howlo kala duwan la sameeyay oo lagu xaqiijinayo in si uuna bulshada u saamayn.

Waxa uu tilmaamay in dowladdu ay kab weyn ku bixiso sidii loo heli lahaa badeecado istaraatiiji ah oo uu shidaal ka mid yahay.

Tusaale ahaan, wuxuu sheegay in in ka badan 400 bilyan oo birr lagu kabo sanad walba bacriminta ciidda, shidaalka, mushaar kordhinta, daawada, agabka aasaasiga ah, shabakada badbaadada wax soosaarka horumarinta magaalooyinka iyo miyiga iyo kuwa kale.

Waxa uu xusay in dib u habeynta lagu sameynayo si taxadar iyo xilkasnimo leh si aanay bulshada cadaadis loo saarin.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay u qoondeysay lacag dhan 4.5 bilyan oo dollar sanadkii si loo xaqiijiyo in dalka uu helo shidaal la isku halayn karo.

Waxa uu cdeeyay in Dowladdu ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan helitaanka shidaal lagu kalsoonaan karo oo dalka ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si sax ah loo maareeyo shidaalka la soo dejiyo, kaas oo lagu soo iibiyo kharash badan oo lacagta qalaad ah.

Sidoo kale, dowladdu waxay xustay in tallaabooyin adag la qaadayo si looga hortago in shidaalka kabista ah loo dhoofiyo si sharci-darro ah oo loogu gudbiyo waddamada deriska ah.waxa uu ugu baaqay in dhammaan daneeyayaasha ay kaalin ka qaataan dadaalladan.

Wasiirku wuxuu sheegay in howlaha casriyeynta nidaamka ganacsiga shidaalka la sii xoojin doono.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015