Hawlaha dhaqancelinta Kooxihii hore ee aqbalay baaqa nabadeed ayaa sii xoogeysanaya – Koomishineer Temesgen Tilahun - ENA Af-Soomaali
Hawlaha dhaqancelinta Kooxihii hore ee aqbalay baaqa nabadeed ayaa sii xoogeysanaya – Koomishineer Temesgen Tilahun
Addis Ababa; Dharrabley/Tir 7/2017 (ENA): – Koomiishinka dhaqancelinta qaranka Temesgen Tilahun ayaa sheegay in la xoojiyay howlaha dhaqan celinta ah ee laga sameynayo meelo kala duwan si ay ugu suuragasho in dhaqan celin loo sameeyo kooxihii hore ee aqbaley baaqa nabadeed ee dowladda iyo shacabka.
Koomiishinka ayaa hadalka ka sheegay tababar loo bilaabayay kooxihii hore ee gobolka Axmaarada uu ka bilaabmay xarunta Saraba ee degmada jilga ee xarunta badhtamaha gobolka Gonder.
Waxa uu sheegay in doorashada nabada ay tahay mid muhiim ah oo si nabad ah lagu xalin karo dhibaatooyinka.
Koomiishinka ayaa sheegay in koohihii hore xarumaha dhaqan celinta kusoo xarooday ay sidoo kale muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin in u abaal gudaan shacabka, isagoo sheegay in tani cashar u tahay kooxaha hubeysan ee duurka ku sugan.
Wuxuu kaloo sheegay in komishanku ay hawlo kala duwan ka wadaan gobolada Tigray, Canfar, Oromiya, iyo Axmaarada si ay ugu suurtagasho kooxihii hore sidii ay noloshooda caadiga ah u maarayn lahaayeen.
ku xigeenka Guddiga dhaqan celinta ee Qaranka Jeneraal Dharibe Makriya ayaa sheegay in go’aankooda kooxihii hore ee ah in khilaafaadka lagu xaliyo wadahadal uu muujinayo sida ay u fahmeen qiimaha nabadda.
Mudane Iyayu Jember oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in xitaa hadii la is afgaran waayo xal lagu gaari karo wada hadal.
Isagoo sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo lagu xalin karo qori iyo xoog, isagoo ugu baaqay kooxaha hubeysan ee duurka ku jira inay nabadda wax walba ka hormariyaan.
mudane. Iyayu ayaa sheegay in haddii nabad la helo horumar la gaari doono, wuxuuna intaas ku daray in cid walba ay nabadda dadka deegaanka ka hor mariso.
Solomon Asmar, oo ka mid ah kooxihii hore ee dhaqan-celinta, ayaa sheegay inay aqbaleen baaqa nabadeed, iyagoo garwaaqsaday in colaadda iyo dhibaato aysan cidna faa’iido u lahayn.
Sidoo kale waxa uu xusay in marka ay dhameystaan tababarka dhaqan celinta ay u diyaar garoobeyaan sidii ay ugu abaal gudi lahaayeen bulshadii ay horay dhibaatooyinka kala duwan usoo gaadheen.