Itoobiya iyo Aserbayjan oo Heshiis Ku Gaadhay Inay Xoojiyaan Iskaashigooda - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Aserbayjan oo Heshiis Ku Gaadhay Inay Xoojiyaan Iskaashigooda
Addis Ababa, DharrableyTir 7, 2017 (ENA): Itoobiya iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay inay kor u qaadaan iskaashigooda si heer sare ah.
Wareeggii saddexaad ee wadahadallada labada dal oo diiradda lagu saaray iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda, iyo ganacsiga ayaa lagu qabtay Addis Ababa.
Ambassador Mesganu Arega, oo ah Wasiiru dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in xidbiidhka laba geesoodka ah ee labada dal uu sii xoogeysanayo marba marka ka dambaysa.
Wuxuu xusay in booqashooyinka heerka sare ee rasmiga ah ee ay isdhaafsadeen labada dal ay door muhiim ah ka ciyaareen xoojinta xiriirkooda.
Sidoo kale, wadahadallada dhinaca siyaasadda ayaa kaalin weyn ka qaatay kor u qaadista iskaashiga sii kobcaya iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal sannadihii u dambeeyay, ayuu raaciyay.
Wasiiru dawlaha ayaa sheegay in Labada dal ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dhinacyada cusub ee sida beeraha, macdanta, ICT-da, warshadaha, iyo dhaqaalaha cagaaran.
Dhankiisa, Yalchin Rafiyev, oo ah Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, ayaa sheegay in wadahadalladu ay yihiin madal labada dal ay kaga arinsan karaan danahooda ay wadaagga karaan.
Isaga oo amaanaya hawlaha horumarineed ee ka socda Addis Ababa, wuxuu muujiyay in ay Azerbaijan doonayso in iskaashi ka samayso mashaariicda horumarinta.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo booqashooyinka heerka sare ee ay sameeyaan mas’uuliyiinta labada dal si loo sii xoojiyo xidhiidhka.
Kadib wadahadallada, labada dal waxay gaareen heshiisyo lagu xoojinayo xidhiidhka dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya, iyo sidoo kale in la sahmiyo fursado cusub oo iskaashi.