Itoobiya iyo Aserbayjaan ayaa ka wada hadlay iskaashiga horumarinta beeraha

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 8/2017 (ENA): Wasiirka Beeraha ee Itoobiya, Dr. Girma Amante, ayaa la kulmay wafti uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Aserbayjan, Yaljin Rafiyef. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen arrimaha iskaashiga ee dhinaca beeraha.


 

Dr. Girma waxa uu waftiga u sharraxay xaaladda hadda jirta ee dhinaca beeraha ee Itoobiya, isagoo xusay in beeruhu ay qayb weyn ka yihiin horumarka guud ee dalka. Waxa kale oo uu tilmaamay in 80% badeecooyinka Itoobiya ee loo dhoofiyo dibadda ay yihiin kuwo ka soo go'a beeraha.


 

Wasiirka ayaa xusay in inkasta oo Itoobiya ay leedahay xoolaha ugu badan ee qaaradda Afrika, haddana heerka dhoofinta xoolaha nool uu wali hooseeyo. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in badeecooyinka beeraha lagu daro qiimo iyo tayo dheeraad ah si loo kordhiyo dhoofintooda.


 

Labada dal waxa ay isla garteen inay iskaashi ka sameeyaan horumarinta xoolaha, dalagga, khudaarta, iyo midhaha, adeegsiga biyaha iyo dhulka, teknoolojiyadda casriga ah ee beeraha, ganacsiga badeecooyinka beeraha. iyo arrimaha kale ee horumarinta beeraha.

#Wakaalada_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015