Itoobiya ayaa xaqiijisay inay ka go’an inay kordhiso badeecadaha ay u dhoofiso Aserbayjan - Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobalka - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa xaqiijisay inay ka go’an inay kordhiso badeecadaha ay u dhoofiso Aserbayjan - Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobalka
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 8/2017 (ENA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobalka ee Itoobiya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Dr. Kasahun Gofe, ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay horumarinta iyo ballaarinta badeecadaha ay Itoobiya u dhoofiso Aserbayjan.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay wafti uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Aserbayjan, Yaljin Rafiyef, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga ee labada dal.
Dr. Kassahun ayaa sheegay in wada hadallada ay fureen fursado horleh oo ku saabsan iskaashiga dhaqaale ee labada dal. Waxa kale oo ay isku afgarteen inay sahmiyaan fursado dheeraad ah oo lagu horumarinayo xiriirka dhaqaale iyo ganacsi.
Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in labada dal ay ku heshiiyeen inay sameeyaan heshiisyo faahfaahsan oo muddo-dheer ah, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale.
Badeecadaha ugu muhiimsan ee Itoobiya u dhoofiso Aserbayjan waxaa ka mid ah: saliid, bunka shiidan, sisinta, hilibka adhiga kala duwan, iyo waxyaabo kale. Sidoo kale, Itoobiya waxa ay ka soo dejisaa Aserbayjan qalabka biraha, kuwa loogu talagalay in lagu ilaaliyo korontada, iyo mashiinada farsamada.
Waxaa la tilmaamay in iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya labada dal uu muhiim u yahay xoojinta xiriirka qaybaha gaarka loo leeyahay, horumarinta tiknoolojiyadda, tababarada, iyo kobcinta tayada badeecadaha ganacsiga.
#Wakaalada_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya