Masuuliyiintii ka socotay Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa gaadhay Gobalka Erer

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 8/2017 (ENA): Waftigan oo uu hogaaminayay Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Caafimaadka Mudane. Maxamuud Maxamed ayaa soo kormeeray tayada iyo hannaanka adeegga hooyada iyo dhallaanka, gaar ahaan habsami ku socodkii ol'olaha talaalka Sero dhos-ka iyo baadhitaanka nafaqadarrada, vitamin A iyo kiniinka gooryaan calooleedka iyagoo kormeeray cusbitaalka guud iyo xarumaha kale ee caafimaadka magaalada Fiiq iyo degmada Xamaro ee gobolka Erar si ay u hubiyaan hannaanka geedi socodka tallaalada iyo adeeg bixinta guud.


 

Masuuliyiinta ayaana kulan lagaga wada hadlay dardargalinta caymiska caafimaadka iyo Maalgelinta Daryeelka Caafimaadka ee 4-ta dagmo ee uu ka hirgaliyay mashruucanla la qaatay maamulada degmooyinkaas oo kala ah Xamaro, Fiiq, Yaxoob iyo Mayu-muluqo. 


 

Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray xoojinta adeegga hooyada iyo dhallaanka iyo natiijooyinka laga gaadhay iyo geedi socodka ol'olaha tallaalka carruurta ee PIRI iyo baadhitaanka nafaqo darrada, vitamin A iyo daaweynta gooryaan calooleedka caruurta da'doodu u dhaxayso 6 bilood illaa 5 sano.


 

Wafdigu wuxuu sigaar ah usoo kormeeray mashruuca adeegga isku dhafka ah ee IMAM iyo seqotaha ee degmada Xamaro kaas oo laga fuliyo degmada Xamaro ayna ka faa'iidaystaan hooyooyinka iyo carruurta. Mashruuca ayaa xoogga saara dhimista nafaqodarrada, hagaasnimada iyo nafaqodarrada degdega ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015