Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Dalka ayaa gaadhay Shabeelley

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 8/2017 (ENA):  Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Dalka iyo masuuliyiinta Shirkadaha Dhismaha Hawlaha Biyaha iyo Naqshadaynta iyo Daraasaadka ee DDS ayaa u kuurgalay geedi socodka shaqo ee mashruuca biyogalinta xarunta dalxiiska Shabeelley oo ay ku baxayso lacag dhan 104 milyan oo birr, mashruucan ayaana maraya boqolkiiba 90.


 

Biyogalinta oo ay fulintiisu leedahay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Dalka ayna dhisayso Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha ee DDS ayaa loogu talogalay in uu waraabiyo guud ahaan xarunta dalxiiska Shabeelley.


 

Maareeyaha Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha DDS Inj. Cabdirashiid Maxamed iyo Maareeyaha Shirkadda Naqshadaynta iyo Daraasaadka DDS Mudane. Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in mashruuca lagu soo gabo'gabayn doono muddo 15 cisho ah.


 

Ugu dambayntii mashruuca oo laga soo jiidayo masaafo dhan 3.5km ayaa ka kooban 2 ceel,  2 kaydka biyaha, 2 guryaha matoorada, 2 qol oo waardiga ah iyo 1 qolka kiimikada ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015