Degmada Danood oo laga qabtay wacygalin ku saabsan Barnaamijka caymiska caafimaadka

Addis Ababa Dharrabley/Tir 21,2017 (ENA) Degmada danood ee gobolka doolo waxaa laga qabtay wacygalin ku saabsan Barnaamijka caymiska caafimaadka bulshada.


 

Barnaamijkan caymiska caafimaadka bulshada ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamulka degmada Danood qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaalada danood.Barnaamijkan oo qeybka ah jihada iyo siyaasada caafimaadka ee heer dal iyo kan Deegaankaba ayaa masuuliyiinta degmada Danood waxay shacabka usoo bandhigeen faa’iidooyinka uu u uleeyahay bulshada.



 
Madaxa iskuduwaha cafimadkka gobolka mudane najiib xasan,Guddoomiyaha degmada Danood mudane Abdi shukri cali iyo madaxa xafiiska caafimaadka degmada Danood mudane Cabdiqani maxamuuud ayaa sheegay in hirgalinta barnaamijkani uu wax badan ka badali doono geedi socodka adeega caafimaadka bulshada islamarkana uu kor-u-qaadi doono heer daboolka caafimaadka bulshada kudhaqan degmada danood.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015