Komishinka Jibriyadda ayaa soo xareeyay dakhli ka badan 203.7 bilyan oo birr

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 22/2017 (ENA): Komishinka Jibriyadda ayaa sheegay in uu soo xareeyay dakhli dhan 203.75 bilyan oo birr intii lagu guda jiray lixdii bilood ee hore ee sanad-miisaaniyadeedka 2017.

Komishineerka Komishinka, Dhabala Qaabataa, oo ka hadlay heerka fulinta qorshaha lixda bilood ee sanad-miisaaniyadeedkan, ayaa sheegay in qorshaha la dejiyay uu ahaa in la ururiyo 190.9 bilyan oo birr, balse ay ku guuleysteen in ay ka sare maraan, iyagoo soo xareeyay 106% halkii la filayay.

Dakhliga la ururiyay ayaa ka yimid canshuuraha kala duwan sida Jibriyadda, cashuurta badeecadaha gudaha lagu soo rogo (Excise Tax), canshuurta qiimaha dheeriga ah (VAT), iyo ilaha kale ee cashuuraha iyo kuwa aan cashuuraha ahayn.

Ugu dambayntii, Komishinka ayaa sheegay in dadaallo lagu xakameynayo badeecadaha la soo geliyo ee sharci-darroda ah iyo ka hortagga ganacsiga qarsoodiga ah ay suurta geliyeen in la badbaadiyo hanti dhan 107.243 bilyan oo birr.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015