Wasiirka Macdanta Injineer Habtamu Tegegne ayaa ka Qayb Galaya Shirka Macdanta ee Afrika - ENA Af-Soomaali
Wasiirka Macdanta Injineer Habtamu Tegegne ayaa ka Qayb Galaya Shirka Macdanta ee Afrika

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 26, 2017 (ENA) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Macdanta, Injineer Habtamu Tegegne, ayaa ka qayb galaya Shirka Macdanta ee Afrika oo ka socda magaalada Cape Town, ee Koonfur Afrika.
Shirkan ayaa ah madal looga hadlo caqabadaha iyo xalka la xidhiidh waaxda macdanta ee Afrika.Waxaa la xusay in shirkan uu yahay madal ay dalalka iyo shirkadaha khibradda dheer u leh macdanta ku wadaagaan khibradahooda.
Shirka waxaa ka soo qayb galay hoggaamiyeyaal wadamada, maamulayaasha guud ee shirkadaha waaweyn, iyo maalgashadeyaal kale.
Waxa la tilmaamay in ay tahay fursad ay Itoobiya ku baran karto waayo-aragnimada dalalka kale, kor loogu qaado fursadaha maalgashiga ee macdanta dalka, isla markaana lagu soo jiito shirkado awood iyo khibrad leh oo ku soo biira waaxda macdanta.
Wasaaradda ayaa sidoo kale muujisay dadaalkeeda joogtada ah ee ku aaddan soo jiidashada maalgashiga iyo dhiirrigelinta fursadaha maalgashiga iyadoo la hawlgelinayo shirkado karti leh.
Shirkan ayaa la filayaa inuu faa'iido weyn u yeesho horumarinta waaxda macdanta,soo jiidashada maalgashiga, iyo khibradaha waayo-aragnimada dalalka kale.